U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَالِكٍ ابْنِ بُحَيْنَةَ رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ إِذَا صَلَّى فَرَّجَ بَيْنَ يَدَيْهِ حَتَّى يَبْدُوَ بَيَاضُ إِبْطَيْهِ.
Cabdullaahi Binu Maalik Binu Buxaynah Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu sujuudayo wuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, oo gacan walba wuxuu u fogayn jiray dhinaceeda, sida labo baal oo kale, ilaa ay muuqato midabka labadiisa kilkilo. taasuna waa iyadoo lagu xeel dheeraado in labada gacmood sida baalal laga dhigo oo qofku ka fogeeyo labadiisa dhinac.

Faa’iidooyin
  1. Waa suno in qaabkaas loo sujuudo, waana iyadoo laga fogeeyo labada cududood labada dhinac.
  2. Qofka ma`amuumka ah hadii kan ku dhinac tukanaya uu ku dhibtoonayo kala fogayntaas uma banaana kala fogayntu.
  3. kala fogaynta gacmaha ee sujuuda waxaa ku jira xikmad iyo faa'iidooyin badan, waxaa ka mid ah: muujinta firfircoonida iyo jaceylka salaada, haduu sujuuda ku taagsado xubin walba waxay qaadanaysaa xubin walba xaqa ay ku leedahay cibaadada, waxaa kaloo la yiri: taas xikmada ku jirtaa waa inay u eg tahay tawaaduc, waana sida ugu fiican oo wajiga iyo sanka dhulka loo saari karo, iyo in xubin walba gaar u soocanto.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 87) (390). صحيح مسلم (1/ 356) (495). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص162). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 207). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 134).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Siduu u Takan jiray Nabigu scw.

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com