U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Axkaanta Gaalada Dimiyiinta ah

1 xadiis

Qofka dila Gaal Mucaahida ma urin doono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ قَتَلَ مُعَاهَدًا ‌لَمْ ‌يَرَحْ ‌رَائِحَةَ الْجَنَّةِ، وَإِنَّ رِيحَهَا تُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ أَرْبَعِينَ عَامًا».
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dila Gaal Mucaahida ma urin doono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray qofka dila Mucaahad waana Gaalka ku soogala Dhulka Muslimiinta heshiis iyo amaan, Qofkaasi ma urindoono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan in la dilo mucaahidka, dimiga iyo musta-amanka, dilkooduna waa dambiyada waaweyn.
  2. Mucaahadku: waa Gaalka balan lala galo isagoo Dhulkiisa jooga, inaanu la dagaalamayn Muslimiinta, Muslimiintuna amaan siinayaan, Dimigu: waa midka deganaada Dhulka Muslimiinta ee jisyada laga qaado, Muta-mankuna: waa Gaalka ku soo gala dhulka Islaamka heshiis iyo amaan, waqti kooban.
  3. Waxaa laga digayaa in la khiyaamo balamada lagu jiro dadka aan Musliniita ahayn.
Tixraac

صحيح البخاري منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (8/ 232). توضيح الأحكام شرح بلوغ المرام، للبسام (6/ 90). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (5/ 520). سبل السلام، لمحمد الصنعاني (2/ 501).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com