U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Muhimada Sunada iyo Makaanadeeda

6 xadiis

Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «بَلِّغُوا عَنِّي وَلَوْ آيَةً، وَحَدِّثُوا عَنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَا حَرَجَ، وَمَنْ كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ».
Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu amrayaa in cilmiga Kitaabka iyo Sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida Aayad Quraana ama hal Xadiis, waxaana shardi ah inuu yaqaan wuxuu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan Diinteena ka hor imaaneyn. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee ka dib wuxuu ka digay Qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu Naarta ka diyaarsado Guri.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la is jeclaysiinayaa gudbinta Shareecada Ilaahay, Qofkana waxaa laga rabaa inuu guto wuxuu xafiday ee uu fahmay haba yaraatee.
  2. Waa waajib in Cilmiga Sharciga ah la raadiyo oo la barto, si Qofka ay ugu suuro gasho inuu Ilaahay uu caabudo oo Diinta Ilaahay si saxa u gaarsiiyo.
  3. Waxaa waajib ah in la hubiyo sugnaanta Xadiis kasta intaan la faafin ama dadka la gaarsiin, taasoo ah digtooni laga qabo inaan la soo galin goodigaas adag.
  4. Waxaa la isku boorinayaa in hadalka run laga sheego lagana foojignaado tabinta warka, si aan loogu dhicin beenta, gaar ahaana markay tahay xaga Diinta Ilaahay casa wajala.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 170) (3461). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 464). نزهة المتقين، لمصطفى الخن وغيره (2/ 951). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 429).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay

عن المقدام بن معدِيْكَرِب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَلَا هَلْ عَسَى رَجُلٌ يَبْلُغُهُ الْحَدِيثُ عَنِّي وَهُوَ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ فَيَقُولُ: بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللهِ، فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلَالًا اسْتَحْلَلْنَاهُ، وَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ، وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَمَا حَرَّمَ اللهُ».
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo weyneynayo sida Qur'aanka loo weyneeyo waxna waa laga qaadanayaa.
  2. Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan xujonimada Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo in laga difaaco Sunada kuwa la dirirsan ama diidan.
  4. Qofka diidan Sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaabsanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been Sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu Qur'aanka raacayo.
  5. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoona mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 13) (4604)، سنن الترمذي (4/ 399) (2664)، سنن ابن ماجه (1/ 9) (12)، نخب الأفكار في تنقيح مباني الأخبار في شرح معاني الآثار (13/ 154).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ».
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu yiri: "Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qofka si ula kac ah been uga sheega hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu aakhiro ku leeyahay meel uu naarta ka fariisto, iyadoo looga abaal marinaayo beentii ka sheegay Nabiga scw.

Faa’iidooyin
  1. Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- oo si bareera been looga sheego waxay sabab u tahay in naarta la galo.
  2. Nabiga scw oo been laga sheego la mid ma'aha been dadka kale laga sheegay, waayo waxaa ku jira fasaad wayn aduun iyo aakhiroba.
  3. Waxaa laga digayaa in la faafiyo Axaadiista inta aan la hubsan inay sax tahay in Nabiga scw ay ka sugnaatay iyo in kale.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 33) (110)، صحيح مسلم (1/ 10) (3)، إكمال المعلم (1/111)، شرح النووي على مسلم (1/65)، المفهم (1/32)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (2/ 151)، شرح مقدمة سنن ابن ماجه (5/ 8).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-

عن العِرْباضِ بن ساريةَ رضي الله عنه قال: قام فينا رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم، فوَعَظَنا مَوعظةً بليغةً وَجِلتْ منها القلوبُ، وذَرَفتْ منها العيونُ، فقيل: يا رسول الله، وعظتَنَا موعظةَ مُودِّعٍ فاعهد إلينا بعهد. فقال: «عليكم بتقوى الله، والسمع والطاعة، وإن عبدًا حبشيًّا، وسترون من بعدي اختلافًا شديدًا، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين، عَضُّوا عليها بالنواجِذ، وإياكم والأمور المحدثات، فإن كل بدعة ضلالة».
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -Asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay weydiisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tegaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan Madaxda, xataa haduu Madax idiin noqdo Adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu Madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, Qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado Sunada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo Sunada khulafad Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in Sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo Diinta lagu soodaro oo Bidca ah, waayo Bidco walba waa baadi.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan ahmiyada ay leedahay in Sunada la qabsado oo la raaco.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbi jiclcinta.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in la is amray in la raaco khulafada Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeyey, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali -Allaha ka raali ahaadee-.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan in la diiday in Diinta Bidco lagu soo daro, Bidco kastana lumid tahay.
  5. Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta Mdax u noqota, iyadoon Macsi lagu raacayn.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan in ahmiyad ay leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
  7. khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.
Tixraac

الأربعون النووية (ص: 89) (ح28)، سنن أبي داود (7/ 16) (4607)، سنن الترمذي (4/ 408) (2676)، سنن ابن ماجه (1/ 28) (42)، مسند أحمد (28/ 367) (17142)، تحفة الأحوذي (7/ 366)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (12/ 235)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 278).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ: «سَيَكُونُ فِي آخِرِ أُمَّتِي أُنَاسٌ يُحَدِّثُونَكُمْ مَا لَمْ تَسْمَعُوا أَنْتُمْ وَلَا آبَاؤُكُمْ، فَإِيَّاكُمْ وَإِيَّاهُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono Ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku jira calaamad ka mid ah calaamadaha nabinimada, oo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, isagu ka sheegay waxa ka dhici doona Ummaddisa, siduu sheegayna noqday.
  2. Waa in laga fogaado kuwa beenta ka sheegaya Rasuulkeena iyo Diinta Islaamkaba oo aan la dhagaysan beentooda.
  3. Waxaa laga digayaa in la iska qaato xadiiska ama la faafiyo in la hubiyo inuu sax yahay oo sugan yahay mooyee.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 12) (6)، قرة عين المحتاج في شرح مقدمة صحيح مسلم بن الحجاج (2/ 8).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane

عن عبدِ الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: كنتُ أكتبُ كلَّ شيءٍ أسمعُه من رسولِ الله صلَّى الله عليه وسلم أُريدُ حفْظَه، فنهتْني قريشٌ، وقالوا: أتكْتبُ كلَّ شيءٍ تَسمَعُه من رسول الله صلَّى الله عليه وسلم، ورسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم بَشَرٌ يتكلَّمُ في الغضَبِ والرِّضا؟ فأمسَكتُ عن الكتاب، فذكرتُ ذلك لرسول الله صلَّى الله عليه وسلم، فأومأ بإصبَعِه إلى فيه، فقال: «اكتُبْ، فوالذي نفسي بيدِه، ما يَخرُجُ منه إلا حقٌّ».
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan qori jiray wax kastoo aan ka maqlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anoo raba inaan xifdiyo, waxaa ii diiday arinkaa quraysh, waxayna i dheheen: ma waxaad Rasuulka ka qoraysaa wax kasta oo aad ka maqasho, Rasuulkuna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa bashar oo caro iyo caro la'aanba wuu hadlayaa?, waan joojiyey qoraalkii, waxaanan u sheegay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu afka ku fiiqay fartiisa, wuxuuna yiri: "qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane."
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cabdullaahi Binu Camar wuxuu yiri: Allaha ka raali ahaadee waxaan ka qori jiray Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kastoon ka maqlo, si aan qoraalka ugu xifdiyo, rag quraysh ka mida ayaa ii diiday, waxay i dheheen: Rasuulku waa bashar oo wuu hadlayaa isago caraysan ama faraxsan wuuna gafi karaa ee ka jooji qoraalka. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u sheegay waxay igu dheheen ragaasi, wuxuuna ku ishaaray fartiisa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee afkiisa, wuxuuna yiri: qor, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee waxan xaq ahayni kama soo boxo xaalad walbee, caro iyo caro la'aanba. Ilaahay sareeye wuxuu ka yiri Nabigiisa scw: "Nabigu hawadiisa kama hadlo * ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo waxyooday" [suurada Anajm 3-4].

Faa’iidooyin
  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, macsuum ayuu ku yahay Diinta Rabigiis uu ka gaarsiinayo dadka, markuu ku jiro caro iyo faraxba.
  2. Asaxaabtu aad bay ugu dadaali jireen ilaalinta iyo xifdinta sunada Rasuulka scw iyo gaarsiinteeda.
  3. Dhaartu way banaan tahay marka aanad u dhaaranayn wax dan ku jirto, sida adoo adkaynaya arin.
  4. Cilmiga oo la qoro waa asbaabta ugu muhimsan ee lagu xifdiyo cilmiga.
Tixraac

سنن أبي داود (5/ 489) (3646)، شرح سنن أبي داود للعباد (412/ 21).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com