U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Tobanka Maalmood ee Dilxija

1 xadiis

Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «ما مِنْ أيَّامٍ العمَلُ الصَّالِحُ فيها أحبُّ إلى اللهِ مِن هذه الأيام» يعني أيامَ العشر، قالوا: يا رسُولَ الله، ولا الجهادُ في سبيلِ الله؟ قال: «ولا الجهادُ في سبيلِ الله، إلا رجلٌ خَرَجَ بنفسِه ومالِه فلم يَرْجِعْ من ذلك بشيءٍ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAbihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija, waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, ma xataa Jihaadka Diinta Ilaahay loo Jihaadayo? wuxuu yiri: xataa Jihaadka, inuu yahay mooyee nin u baxay Jihaad oo Naftiisii iyo Maalkiisiiba ku bixiyey oo aan waxba ka soo noqon".
waxaa wariyey bukhaari,Abuu daawuud,lafdiganna isagaa kuwariyeyDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.

Faa’iidooyin
  1. Fadliga tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija waa mid aad u wayn, sidaa darteed waxaa la gudboon Qofka Muslimka ah inuu ka faa'iidaysto Maalmahaa, oo uu badsado gudashada amarka Ilaahay, sida xuska Ilaahay, akhrinta Qur'aanka, Takbiirta "Allaahu akbar", Tahliish "laa ilaaha illa-llaah", Taxmiida "Alxamdu lilaah", Salaada, Sadaqada, Soonka ,iyo dhamaan camalka wanaagsan.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 20) (969). سنن أبي داود (4/ 102) (2438). فتح الباري بشرح صحيح البخاري، لابن حجر (2/ 459). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل المبارك (ص699). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 301). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 884). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (15/ 234). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 382).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com