عن أبي هريرة رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ، وَمَا زَادَ اللهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلَّا عِزًّا، وَمَا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلهِ إِلَّا رَفَعَهُ اللهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Sadaqo maal ma yareyso, Adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan Maalka yarayn, balse ay ka difaacado Aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa kan Sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn.
Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado Qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi.
Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon Qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.
Faa’iidooyin
Khayrka iyo liibaantu waxay ku jiraan in loo hogaansamo Shareecada, iyo in khayrka la falo haba la ahaato dadka qaarki in arintu sidaa ka duwan tahaye.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2001) (2588).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 501).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 354).
فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 438).
سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 692).
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «قَالَ اللهُ: أَنْفِقْ يَا ابْنَ آدَمَ أُنْفِقْ عَلَيْكَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay wuxuu yiri: Ibni Aadanow wax bixi aan wax ku siiyee."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni Aadanow bixi Sadaqada waajibka ah iyo tan Sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiina barakayne.-
Faa’iidooyin
Waxaa la isku booriyey Sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo
Ku bixinta Maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey Adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.
Xadiiskani wuxuu ka mid yahay Axaadiista uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa Xadiis Alqudsi ama Xadiis Al-Ilaahi, waana Xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhrintiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 62) (5352).
صحيح مسلم (2/ 690) (993).
شرح النووي على مسلم (7/ 79).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 603).