U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ يَقُمْ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ»
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Habeenka Laylatul Qadrigu leeyahay, Habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, Qofka Habeenkaa ku dadaala Salaada, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumaysan Habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Habeenka Laylatul Qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay Salaad u istaagaan.
  2. Camalka suuban lama aqbalo in Niyo run ah la jirto maahee.
  3. Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa Qofka Habeenka Laylatul Qadriga u istaaga Salaad isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 16) (35). صحيح مسلم (1/ 523) (760). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (14/ 435). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 337). نزهة المتقين، (2/ 846). شرح النووي على مسلم (6/ 40). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 220). شرح صحيح البخاري، لابن بطال (4/ 21).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Qiyaamka Habeenkii

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com

Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore · Xadiisyo la sharraxay · Sabīl