U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo

عَنْ عَمْرِو بْنُ سُلَيْمٍ الأَنْصَارِيُّ قَالَ: أَشْهَدُ عَلَى أَبِي سَعِيدٍ قَالَ: أَشْهَدُ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «الغُسْلُ يَوْمَ الجُمُعَةِ وَاجِبٌ عَلَى كُلِّ مُحْتَلِمٍ، وَأَنْ يَسْتَنَّ، وَأَنْ يَمَسَّ طِيبًا إِنْ وَجَدَ».
Camar Binu Sulaym Alansaari -Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Abii Saciid inuu yiri: waxaan markhaati ka ahay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee- wuxuu cadeeyey in qubayska maalinta jumcada loo adkeeyey sida waajibka waxaana laga rabaa nin walba oo qaan gaar ah oo muslim ah oo ka mida kuwa jumcadu ku waajibtay. waana inuu ilkihiisa ku nadiifiyo caday iyo wax la mida. Waana inuu isku carfiyo wax kasta oo caraf udgoon leh.

Faa’iidooyin
  1. Waa sune la adkeeyey qubayska maalinta jumcaha waxaana laga rabaa nin walba oo Muslim ah oo qaan gaar ah.
  2. Nadaafada iyo in la iska suuliyo shiirka xun sharci ahaan ayaa looga rabaa qofka Muslimka ah.
  3. Waa in la wayneeyo maalinta jumcada oo loo diyaargaroobo.
  4. Waa sune adag in loo cadaydo jumcada.
  5. Waa sune in la is ku carfiyo wax walba oo caraf udgoon leh intaan jumcada la aadin.
  6. Haweenaydu markay ka baxdo gurigeeda ee salaada ama dana kale u baxdo, uma banaana inay cadar marsato, waayo sunada ayey ku soo aroortay inay xaaraan tahay.
  7. qofka isku junuba waa qaan gaar, qaan gaarnimaduna waxay leedahay saddex calamadood oo raga iyo dumarku wadaagaan oo ah: mida 1aad: waa inuu gaaro qofku shan iyo toban sano, mida 2aad: waa inay ka soo baxaan timo adag farjiga hareerihiisa, mida 3aad: waa inay ka timaado manadu oo kaga timaado riyo ama dareen shahwadeed yaanu riyoonbee, mida 4aad: dumarkay u gaar tahay oo waa dhiiga caadada, markay dhiiga caadada isku aragto gabadhu way qaan gaartay.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 3) (880). صحيح مسلم (2/ 580) (846). مختار الصحاح، لزين الدين الرازي (ص155). شرح صحيح البخاري، لابن بطال (2/ 468). شرح النووي على مسلم، (6/ 134). توضيح الأحكام شرح بلوغ المرام، للبسام (1/ 382). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (1/ 330). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة قاسم (2/ 234).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Axkaanta Salaada Jumcaha

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com