U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Hadaad ku tiraado Saaxiibka: Aamus, Maalinta Jumcada, iyadoo Imaamku khudbaynaayo, Laqwi baad la timid

عن أبِي هُرَيرةَ رضي الله عنه أنَّ رسول الله صلى الله عليه وسلمَ قال: «إذا قُلْتَ لِصَاحِبِكَ: أَنْصِتْ، يومَ الجمعةِ، والْإِمامُ يَخْطُبُ، فَقَدْ لَغَوْتَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Hadaad ku tiraado Saaxiibka: Aamus, Maalinta Jumcada, iyadoo Imaamku khudbaynaayo, Laqwi baad la timid".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay ka mid tahay aadaabta waajibka ku ah dadka Salaada Jumcada u yimid: inay dhagaystaan khadiibka dhagaystaan, si loogu tadaburo waanada iyo wacdiga, Qofka hadla wax yarba ha ahaatee isagoo Imaamkuna khudbaynaayo, ee ku dhaha cid kale: "Aamus ama dhagaysoS midkaasi wuxuu waayey fadligii salaadaJumcada.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan hadalku marka khudbada jumcadu socoto, xataa qofka wax xumaana ha u reebee ama salaan haka qaado mid kale ama mid handhisay ha u duceeyee.
  2. Arinkaa waxaa laga reebayaa qofka Imaamka la hadlayaa ama Imaamku la hadlaayo.
  3. Labada khudbadood inta u dhaxaysa waa la ogol yahay hadalka haday baahi keento.
  4. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la xuso Imaamkuna khudbada ku jiro hoos baad ugu salliyi Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaasoo kale aamiinta ducadana hoosbaa loo dhihin.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 13) (934). صحيح مسلم (2/ 583) (851). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص244). تنبيه الأفهام، للعثيمين (2/ 307). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 195). فتح الباري، لابن حجر (2/ 409). تاج العروس من جواهر القاموس، لمحمّد الحسيني الزَّبيدي (39/ 463).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Salaada Jumcada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com