U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Axkaanta Imaamka iyo Ma`muumka

3 xadiis

Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «سَوُّوا صُفُوفَكُمْ، فَإِنَّ تَسْوِيَةَ الصَّفِّ مِنْ تَمَامِ الصَّلَاةِ».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: "Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.

Faa’iidooyin
  1. Waa sharci in la ilaaliyo wax walba oo ka mida salaada dhamaystirkeeda oo ka fogaynaya wixii nuqsaan ah.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan Xikmadii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu dadka wax u bari jirey, waayo wuxuu isku xiriiriyey Xugunkii iyo Ciladiisii, si ay u cadaato Xikmada loo Jideeyey iyo dadka oo lagu dhiiri geliyo inay gutaan Xugunka.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 145) (723). صحيح مسلم (1/ 324) (433). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص127). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 161). الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص173).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «أَمَا يَخْشَى أَحَدُكُمْ - أَوْ: لاَ يَخْشَى أَحَدُكُمْ - إِذَا رَفَعَ رَأْسَهُ قَبْلَ الإِمَامِ، أَنْ يَجْعَلَ اللَّهُ رَأْسَهُ رَأْسَ حِمَارٍ، أَوْ يَجْعَلَ اللَّهُ صُورَتَهُ صُورَةَ حِمَارٍ».
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodi adag oo ku soo arooray Qofka Madaxiisa kor u soo qaada Imaamkiisa ka hor, in Ilaahay ka dhigo Madaxiisa Madax Dameer ama Suuradiisa ka dhigo Suurada Dameer.

Faa’iidooyin
  1. Ma'amuumka la tukanaya Imaamka xaalkiisu waa afar: ssddex waa la iska reebay, waana: ka horayn, garab socod iyo ka daahid, Ma`muumkana waxaa laga rabaa: inuu Imaamka raaco.
  2. Ma`muumku inuu Imaamka Salaada ku raaco waa waajib.
  3. Goodiga ah in loo badali doono Suurada Qofka ka hor qaada Madaxiisa Imaamka ka hor Suurad Dameer arin suuragal ah, wuxuuna ka mid yahay masakhaada.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 140) (691). صحيح مسلم (1/ 321) (427). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 111). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص65). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص133).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada

عَنْ ‌حِطَّانَ بْنِ عَبْدِ اللهِ الرَّقَاشِيِّ قَالَ: صَلَّيْتُ مَعَ ‌أَبِي مُوسَى الْأَشْعَرِيِّ صَلَاةً، فَلَمَّا كَانَ عِنْدَ الْقَعْدَةِ قَالَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ: أُقِرَّتِ الصَّلَاةُ بِالْبِرِّ وَالزَّكَاةِ، قَالَ: فَلَمَّا قَضَى أَبُو مُوسَى الصَّلَاةَ وَسَلَّمَ انْصَرَفَ فَقَالَ: أَيُّكُمُ الْقَائِلُ كَلِمَةَ كَذَا وَكَذَا؟ قَالَ: فَأَرَمَّ الْقَوْمُ، ثُمَّ قَالَ: أَيُّكُمُ الْقَائِلُ كَلِمَةَ كَذَا وَكَذَا؟ فَأَرَمَّ الْقَوْمُ، فَقَالَ: لَعَلَّكَ يَا حِطَّانُ قُلْتَهَا؟ قَالَ: مَا قُلْتُهَا، وَلَقَدْ رَهِبْتُ أَنْ تَبْكَعَنِي بِهَا، فَقَالَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ: أَنَا قُلْتُهَا، وَلَمْ أُرِدْ بِهَا إِلَّا الْخَيْرَ، فَقَالَ أَبُو مُوسَى: أَمَا تَعْلَمُونَ كَيْفَ تَقُولُونَ فِي صَلَاتِكُمْ؟ إِنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَنَا فَبَيَّنَ لَنَا سُنَّتَنَا وَعَلَّمَنَا صَلَاتَنَا، فَقَالَ: «إِذَا صَلَّيْتُمْ فَأَقِيمُوا صُفُوفَكُمْ، ثُمَّ لِيَؤُمَّكُمْ أَحَدُكُمْ فَإِذَا كَبَّرَ فَكَبِّرُوا، وَإِذْ قَالَ: {غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلا الضَّالِّينَ} [الفاتحة: 7]، فَقُولُوا: آمِينَ، يُجِبْكُمُ اللهُ، فَإِذَا كَبَّرَ وَرَكَعَ فَكَبِّرُوا وَارْكَعُوا، فَإِنَّ الْإِمَامَ يَرْكَعُ قَبْلَكُمْ، وَيَرْفَعُ قَبْلَكُمْ»، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «فَتِلْكَ بِتِلْكَ، وَإِذَا قَالَ: سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، فَقُولُوا: اللَّهُمَّ رَبَّنَا لَكَ الْحَمْدُ، يَسْمَعِ اللهُ لَكُمْ، فَإِنَّ اللهَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى قَالَ عَلَى لِسَانِ نَبِيِّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، وَإِذَا كَبَّرَ وَسَجَدَ فَكَبِّرُوا وَاسْجُدُوا، فَإِنَّ الْإِمَامَ يَسْجُدُ قَبْلَكُمْ وَيَرْفَعُ قَبْلَكُمْ»، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «فَتِلْكَ بِتِلْكَ، وَإِذَا كَانَ عِنْدَ الْقَعْدَةِ فَلْيَكُنْ مِنْ أَوَّلِ قَوْلِ أَحَدِكُمُ: التَّحِيَّاتُ الطَّيِّبَاتُ الصَّلَوَاتُ لِلهِ، السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».
Xidaan Binu Cabdullaahi Alraqaashi waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la tukadey Abii Muusa Alashcari, markuu soo gaaray fadhiga ayaa nin dadka ka mid ahaa yiri: Salaada waxaa lagu xiriiriyey Biriga iyo Sakada-: markuu Abuu Muuse Salaadii ka baxay wuu soo jeensadey, wuxuuna yiri: kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii way wada aamuseen, hadana wuu ku celiyey, kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii ayaa hadana wada aamusay, wuxuu yiri: waxaa laga yaabaa inaad adigu tiri Xadaanow?, wuxuu yiri: maan dhihin, waxaana ka baqay inaad eraygaa igu garaacdo, nin dadka ka mida ayaa yiri: anaa iri, khayr uun baanan ula jeeday, Abuu Muusaa ayaa yiri: miyeydaan aqoon waxaad oranaysaan markaad tukanaysaan? Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu noo khudbeeyey wuuna noo cadeeyey Sunadeena, wuuna nabaray Salaadeena, oo wuxuu yiri: "Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada, markuu dhoho:{Allahayow namari jidka toosan ee aan ahayn kan ay mareen kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay} [al faatixa:7], idinkuna aamiin dhaha, Ilaahay ayaa idin ajiibayee, haduu takbiirsado ee Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku wuu idinka hor takbiirsan wuuna idinka hor Rukuucine", wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee "tani taasay u ahaatay, markuu dhoho: samica Allaahu liman xamidah, idinkuna dhaha: Allahuma Rabanaa lakal-xamdu, Ilaahay wuu idin maqliye, Ilaahay Isagaa koreeyee wuxuu ku yiri: Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee carabkiisa "samica Allah liman xamidah" hadii uu takbiirsado oo uu Sujuudo takbiirsada oo Sujuuda imaamku waa idinka hor Sujuudin oo idinka soo hor toosine Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: tani taasay u ahaatay, hadii la soo gaaro fadhiga waxa ugu horeeya ee qofkiin oranayo ha ahaado Ataxiyaatu Adayibaatu Aslawaatu lilaah, Asalaamu caleykum Ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allah wa Barkatuhu, Asalaamu caleynaa, wa calaa cibaadi Allahi Saalixiin, Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Asaxaabta waxaa tujiyey Abuu Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade, markuu soo gaaray fadhiga lagu Ataxyaadsado, nin dadka la tukanaayey ayaa gadaashiisa ka yiri: Quraanku wuxuu Salaada la xiriiriyey Biriga iyo Sakada, markii Abuu Muusa ka baxay Salaadii ayuu xagga dadka u soo jeestay oo yiri: kumaa yiri hadalka: Quraanku wuxuu la xiriiriyey Salaada Biriga iyo Sakada?! dadkii waa aamuseen, oo Qofna ma hadalin, mar labaad ayuu ku celiyey su'aashii, markuu Qofna u jawaabi waayey ayuu yiri Abuu Muusa: malaha adaa yiri Xadaanow! dhiiranidiisa iyo u dhawaantiisa ayuu sidaa ugu yiri iyo Qaraabanimadooda, taasoo aan dhib ku jirin haduu ku tuhmo, iyo inuu qirto kii hadalka yiri, Xadaana wuu iska leexiyey hadalka, wuxuuna yiri: waxaan ka baqay inaad igu canaanato adoo aniga ii malaynaya, markaasuu nin dadka ka mid ahaa yiri: anaa iri, waxaan khayr ahayna ulama jeedin, Abuu Muusa wuxuu yiri: isagoo baraya ninkaa: miyeydaan aqoon waxaad oronaysaan markaad tukanaysaan?!, waana hadal uu ku diidanaa in sidaa la dhoho marka la tukanaayo, Abuu Muusa wuxuu u sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mar u khudbeeyey, una cadeeyey shareecadooda, Salaadoodna baray, oo uu yiri: Markaad Salaada u kacdaan toosiya sufuufta Salaada, Salaadana hatukiyo dadka mid ka mid ahi, markuu imaamku takbiirsado (Salaada xidho) sidiisa u takbiirsada, markuu faatixada akhriyo ee uu gaadh {غير المغضوب عليهم ولا الضالين} [al-faatixa:7], dhaha: Aamiin, markaad samaysaan sidaa Ilaahay wuu aqbali ducadiina, markuu takbiirsado ee uu Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku hortiin buu Rukuucaa hortiina wuu ka soo toosiye, waxna ha kala hormarina imaamka, waayo waqtiga yaree uu idinkala horeeyo imaamku Rukuucdu wuxuu kabayaa ka dambaynta aad kala dambaysaan Rukuucda, waqti yar, waqtiga yar ee aad ka dambaysaan waxaa buuxinaya waqtigaa yar ee uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Rukuucdiina mid la mida qadarka Rukuucdiisa, markuu imaamku dhoho: samicallaahu liman xamidah "Ilaahay wuu maqlaa kuwa ku xamdiya", dhaha: Allaahuma Rabanaa lakal xamdu "Allahayow Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay", markay dadku dhahaan sidaa, Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, wuu maqlaa ducadooda, iyo hadalkooga, Ilaahay Isagaa nusqaan ka hufane wuxuu ku yiri Carabka Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuu maqlaa Ilaahay midka ku xamdiya, hadana markuu imaamku takbiirsado ee uu Sujuudo, waxaa ku waajib ah kuwa ku xiran ee la tukanaaya inay takbiirsadaan oo ay Sujuudaan, waayo imaamku hortooduu sujuudayaa, hortoodana wuu ka soo toosayaa Sujuuda, qadarkaa yar ee aad kala dambaysaan waxaa buuxinaya qadarkaa uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Sujuuda ee Ma'amuumka imaamkiisa ku xiran mid le'eg qadarka uu imaamku Sujuudo, marka uu fadhiga Ataxyaadka soo gaaro ha ahaado hadalka ugu horeeya uu dhahayo: "Ataxiyaatu-saalaamo-Adayibaato-wanaagyo-Salaado Ilaahay bay u sugnaadeen" mulki iyo boqornimo, jiritaan iyo baaqinnimo, waynaan iyo deeqsinimo, dhamaanteed Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, sidaasoo kale Salaadaha Shanta ahina Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, "Asalaamu calayka ayuha Nabiyo waraxmatu llaah wabara kaatuh, Asalaamu calaynaa wacalaa Cibaadi Allaahi Saalixiina", Ilaahay barya isagaa ceeb oo dhan iyo nusqaan iyo fasahaadba ka hufane, Nabiga Maxamed ahna waxaan u gaar yeelaynaa Salaan iyo nabad gelyo, hadana waxaan Salaamaynaa Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah, ee ku taagan waxa uu Ilaahay ku waajibiyey ee xuquuqda Ilaahay ah iyo kuwa Adoomadiisaba, waxaan qiraynaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo ee aab Ilaahay wayne ahayn, Nabi Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkiisa uu khalqiga usoo diray.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku cad Qaab ka mida qaababka loo Ataxyaadsado.
  2. Salaada ficilkeeda iyo waxa la akhrinaayo waa inuu yahay wax Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka sugnaaday mana banaana in Qof iska samaysto hadal iyo ficil aan Sunaha ku sugnayn.
  3. Ma banaana in laga hor maro imaamka waana in laga danbeeyo, waxaa Sharci ah in Ma`muumku uu ku raacoIimaamka ficilkiisa.
  4. Waxaa la xusay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu ahmiyad siin jiray gaarsinta Diinta iyo inuu Ummaddisa baro Axkaanta Diinta.
  5. Imaamku waa kan uu ku dayanayo Ma'muumku, uma banaan inuu Imaamka kala hor maro ficilada Salaada ama uu la socdo iyo inuu ka dib dhoco Imaamka, balse waa inuu bilaabaa raacida Imaamka marka uu hubsado inuu galay ficilka uu doonayo inuu sameeyo, Sunaduna waa inuu Imaamka ku raaco ficilka.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan inay Sharci tahay in Salaada Sufuufteeda la simo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 303) (404)، إكمال المعلم (2/298)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 37)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص376) (87)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 402).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com