U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Salaada Jamaacada iyo Axkaanteeda

2 xadiis

Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «صَلَاةُ الرَّجُلِ فِي جَمَاعَةٍ تَزِيدُ عَلَى صَلَاتِهِ فِي بَيْتِهِ وَصَلَاتِهِ فِي سُوقِهِ بِضْعًا وَعِشْرِينَ دَرَجَةً، وَذَلِكَ أَنَّ أَحَدَهُمْ إِذَا تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ، ثُمَّ أَتَى الْمَسْجِدَ لَا يَنْهَزُهُ إِلَّا الصَّلَاةُ، لَا يُرِيدُ إِلَّا الصَّلَاةَ، فَلَمْ يَخْطُ خَطْوَةً إِلَّا رُفِعَ لَهُ بِهَا دَرَجَةٌ، وَحُطَّ عَنْهُ بِهَا خَطِيئَةٌ، حَتَّى يَدْخُلَ الْمَسْجِدَ، فَإِذَا دَخَلَ الْمَسْجِدَ كَانَ فِي الصَّلَاةِ مَا كَانَتِ الصَّلَاةُ هِيَ تَحْبِسُهُ، وَالْمَلَائِكَةُ يُصَلُّونَ عَلَى أَحَدِكُمْ مَا دَامَ فِي مَجْلِسِهِ الَّذِي صَلَّى فِيهِ، يَقُولُونَ: اللهُمَّ ارْحَمْهُ، اللهُمَّ اغْفِرْ لَهُ، اللهُمَّ تُبْ عَلَيْهِ، مَا لَمْ يُؤْذِ فِيهِ، مَا لَمْ يُحْدِثْ فِيهِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo, taaso ah markii midkood uu weyso qaato weysadana wanaajiyo, ee uu Masaajidka yimaaddo, ee Salaadda maahee wax kale aanu u soo kicin, ee Salaadda keliya uu u soo baxay, talaabadii uu qaado darajo ayaa loo kor yeelaa, danbina waa laga tiraa, ilaa uu ka galo Masjidka, hadduu Masjidka soo galona wuxuu la mid yahay isagoo Salaadd ku jira maadaama ay Salaaddu celinayso, Malaa`igtuna way u ducayn Qofkiina ku sugan Meeshii uu ku tukadey, waxay oran: Ilaahow u naxariiso, Ilaahow u danbi dhaaf, Ilaahow ka tawbo aqbal, hadduusan Malaa`igta dhibin, oo aysan weysadu ka jabin.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in markuu qofka muslimku la tukado jamac salaadiisu ka fadli badan tahay salaada uu guriga ama suuqa ku tukado dhowr iyo labaatan jeer ama darejo. Ka dibna wuxuu sheegay sababta arintaa: waa marka uu wayso qaato qofku waysadiisana wanaajiyo ee uu masaajidka u dhaqaaqo, isaga oo salaada uun u jeedadiisu tahay, tallaabo kasta oo uu xagga masaajidka u qaado Illaahay inuu derejo ku siinaayo oo kor loogu qaadayo, lagaga tiraayana dambi, Marka uu masaajidka galo ee uu fadhiisto isaga oo salaad ku sugaaya, wuxuu helayaa oo u soconaya ajarka qof salaad kujira, malaa'igtuna way u ducaysaa inta uu fadhiyo goobta uu ku tukaday, iyadoo dhahaysa: "Allahayow u dambi dhaaf, Allahayow u naxariiso, Allahayow ka toobad aqbal" sidaabay ugu ducaynaysaa inta aanay waysadu ka jabin, ama aanu ku kicin wax dadka iyo malaa'igtuba dhibsanayaan.

Faa’iidooyin
  1. Salaadda qofku ku tukado gurigiisa ama suuqa way ka ansaxaysaa, laakiin wuxuu ku dambaabayaa ka tagida uu ka tagay jamaca cudrdaar la`aan.
  2. Salaadda jamaca oo masaajid lagu tukado ayaa ka fadli badan salaadda qofku keligi ku tukado shan ama lix ama toddoba iyo labaatan darajo.
  3. Shaqooyinka ay malaa'igtu qabato waxaa ka mid ah ducada ay mu'uminiinta u ducaynayso.
  4. masaajidka oo wayso qab lagu tago ajar wayn bay leedahay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 103) (477). صحيح مسلم (1/ 459) (649). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 26). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 178). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 72). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص15). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 43). المعجم الوسيط (1/ 60).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ أَعْمَى، فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، إِنَّهُ لَيْسَ لِي قَائِدٌ يَقُودُنِي إِلَى الْمَسْجِدِ، فَسَأَلَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنْ يُرَخِّصَ لَهُ فَيُصَلِّيَ فِي بَيْتِهِ، فَرَخَّصَ لَهُ، فَلَمَّا وَلَّى دَعَاهُ، فَقَالَ: «هَلْ تَسْمَعُ النِّدَاءَ بِالصَّلَاةِ؟» فَقَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَأَجِبْ».
Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.

Faa’iidooyin
  1. Salaada Jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.
  2. Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 452) (653). شرح النووي على مسلم (5/ 155). فتح ذي الجلال والإكرام، شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 254).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com