U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Sujuuda Sahwiga iyo Akhriska iyo Shukriga

1 xadiis

Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِذَا شَكَّ أَحَدُكُمْ فِي صَلَاتِهِ، فَلَمْ يَدْرِ كَمْ صَلَّى ثَلَاثًا أَمْ أَرْبَعًا، فَلْيَطْرَحِ الشَّكَّ، وَلْيَبْنِ عَلَى مَا اسْتَيْقَنَ، ثُمَّ يَسْجُدُ سَجْدَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يُسَلِّمَ، فَإِنْ كَانَ صَلَّى خَمْسًا شَفَعْنَ لَهُ صَلَاتَهُ، وَإِنْ كَانَ صَلَّى إِتْمَامًا لِأَرْبَعٍ كَانَتَا تَرْغِيمًا لِلشَّيْطَانِ».
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor, haduu shan tukaday Salaadiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witirka ka bi'inaysaa, haduu afar buuxiyeyna shaydaankay dulaynaysaa."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka tukanaya haduu ka shakiyo Salaadiisa oo uu garan waayo inta uu tukaday ma seddex baa mise afar? ha tuuro tirada dheeriga ah ee inuu ka shakiyey oo yaanu qaadan, seddexda ayuu hubaa, ee hatukado rakcad afaraad, ka dibna ha sujuudo labo sujuudood inta aanu salaama naqsan. Hadii inta uu tukaday xaqiiqo ahaan afar tahay, rakcada lagu daray shan ayey ku noqon, labada sujuudoodna baddal bay ka ahaanayaan rakcada, sidaasayna tiradu ku buuxsamaysaa oo noqon mayso tiro is dheer, hadii rakcada dheeriga ah ee uu tukaday afar tahayna, wuxuu noqonayaa mid gutay wixii laga rabey oo aan siyaado iyo nuqsaan lahayn. Labada sujuudood ee sahwiguna shaydaankay dulayn iyo jabin ku tahay, wuxuuna noqonayaa mid ku hungoobay oo ku guul daraystay ujeedadiisii, waayo Salaadii ayuu shaki ka galiyey, oo inuu ka kharibo damcay, wayse dhamaystirantay salaada Qofku markuu gutay amarka Ilaahay ee ahaa sujuudii ibliis Ilaahay ku caasiyey markuu diiday inuu Ilaahay ku adeeco sujuudii Aadam.

Faa’iidooyin
  1. Qofka tukanaya haduu ka shakiyo Salaadiisa oo labada tiro uu mid rajixi waayo wuxuu tuurayaa shakiga wuxuuna ku shaqaynayaa inta uu hubo, waana tan yar, wuuna dhamaystirayaa salaadiisa, wuxuuna sujuudayaa sujuud sahwi inta aanu salaama naqsan ka dibna wuu salaama naqsan.
  2. Labadaa sujuudood waxay kabayaan salaada, shaydaankana mid dulaysan oo ku hungoobay ujeedadiisii lagana fogeeyey ayey ka dhigaysaa.
  3. Shakiga xaddiiska kusoo arooray waa shakiga aanu Qofku xagna ubadineyn, hadii uu jiro tuhun oo dhinac u bato wuu ku dhaqmi.
  4. Waxaa la isku boorinayaa in lala dagaalo was-waaska oo la isaga difaaco iyadoo la gudanaayo amarka Shareecada.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 400) (571). توضيح الأحكام شرح بلوغ المرام، للبسام (2/ 338). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (3/ 222). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (2/ 799).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com