Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in lagu fariisto Qabuurta. Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga Qabuurta loo tukado, oo aysan Qabuurtu noqdan mid ka xigta qofka tukanaya xaga Qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa Shirki.
- Waxaa la reebay in Salaada lagu tukada Qabuurta, ama lagu dhex tukado, ama Qubuurta xageeda loola jeesto marka laga reebo salaada Janaasada, sidaasna Sunaday ku cadahay.
- Waxaa loo reebay Salaada in loo tukada qabuurta xageeda, si looga hortago wixii shirki keeni kara.
- Islaamku wuxuu reebay in lagu xad gudbo Qubuurta iyo in la xumeeyo Qubuurta, ka badbadin lama ogola ka gaabina lama ogola.
- Xurmada Muslimku waa mid joogto ah xataa isagoo dhintay, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "jebinta Lafta Maydku waxay la mid tahay isagoo nolol lagu Jabiyey".
صحيح مسلم (2/ 668) (972). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، لعبد الله البسام (2/ 30). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لمحمد العثيمين (1/ 522). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (4/ 285).