Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn
عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ نَسِيَ صَلَاةً فَلْيُصَلِّ إِذَا ذَكَرَهَا، لَا كَفَّارَةَ لَهَا إِلَّا ذَلِكَ: {وَأَقِمِ الصَّلاةَ لِذِكْرِي} [طه: 14]».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaada u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Qofka ilaawa Salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida Salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in Muslimku uu tukado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa Kitaabkiisa ku yiri: {Salaada u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko Salaada aad ilawdo markaad xasuusato.
Faa’iidooyin
Waxaa la cadeeyey ahmiyada Salaada iyo inaan la fududaysan gudashadeeda iyo qalaynteeda.
Ma banaano in Salaada laga dib dhigo waqtigeeda, cudur daar la'aan.