عن بريدة بن الحصيب رضي الله عنه أنه قال: بَكِّرُوا بِصَلَاةِ الْعَصْرِ، فَإِنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَنْ تَرَكَ صَلَاةَ الْعَصْرِ فَقَدْ حَبِطَ عَمَلُهُ».
Buraydata Binu xuseyn Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: U degdega Salaada Casar, waayo Nabig nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " Qofka ka taga Salaada Casar camalkiisu wuu buray".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Salaada Casar waqtigeeda dib looga dhigo, si bareer ah Qofka sidaa sameeyana camalkiisu wuu buraayo oo wax kasoo qaad ma leh.
Faa’iidooyin
Waxaa laysku boorinayaa in Salaada Casar lagu ilaaliyo waqtigeeda hore, loona degdego arintkaa.
Goodi adag ayaa loo jeediyey Qofka oo ka taga Salaada Casar, waqtigeeda oo ka tagana wuxuu ka Dambi weyn yahay Salaadaha kale oo waqtigoodu tago, waana Salaada Alwusdaa ee si gaara loogu amarka hadalka Ilaahay yiri: (ilaaliya Salaadaha iyo Salaada Alwusdaa) [ Al baqara238].
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 115) (553).
مسند أحمد (38/ 152) (23045).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 56).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 777).
فيض القدير شرح الجامع الصغير (3/ 206).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 260).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص614).