Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu u wayso qaadan jiray Salaad walba
عن عَمْرُو بْنُ عَامِرٍ عَنْ أَنَس بن مالك قَالَ: كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَتَوَضَّأُ عِنْدَ كُلِّ صَلَاةٍ، قُلْتُ: كَيْفَ كُنْتُمْ تَصْنَعُونَ؟ قَالَ: يُجْزِئُ أَحَدَنَا الْوُضُوءُ مَا لَمْ يُحْدِثْ.
Camar Binu Caamir wuxuu ka wariyey Anas Binu Maalik inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu u wayso qaadan jiray Salaad walba, waxaan ku iri: maxaad sameyn jirteen?, wuxuuna yiri: waxaa ku filnaa midkayo waysadiisa mar hadaanay ka jabin.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba oo faral ah wuu u weyso qaadan jiray, xataa hadaan waysadu ka jabin, waana si uu uga helo ajar iyo fadli.
Waxaa banaan in lagu tukado hal weyso Salaadaha faral ka ah hal ka badan intuu weysadiisa qabo.
Faa’iidooyin
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ficilka uu ugu badanaa ee uu samayn jiray wuxuu ahaa inuu Salaad walba u weyso qaato, isagoo doonaya sida ugu kaamilsan.
Waa Suno in Salaad walba loo weyso qaato.
Way banaan tahay in lagu tukado hal weyso hal Salaad wax ka badan.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 53) (214)، شرح ابن بطّال (1/321)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (1/ 285).