U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan

عن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ تَوَضَّأَ فَأَحْسَنَ الْوُضُوءَ خَرَجَتْ خَطَايَاهُ مِنْ جَسَدِهِ حَتَّى تَخْرُجَ مِنْ تَحْتِ أَظْفَارِهِ».
Cusmaan Binu Cafaan Allah ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysada, Sunaheeda, aadaabteeda iyo ku camal falkeeda.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga weysada, iyo in dambiyada yar-yar lagau dhaafo, dambiyada waaweynse waa in laga toobad keeno.
  3. Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu sheegay.
  4. Dambi dhaafka Xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waaweyn oo laga towbadkeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina yar yar.) [Annisaa:31].
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 216) (245). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 9). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 763). بهجة الناظرين، سليم الهلالي (2/ 247).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga waysaysiga

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com