U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Sunooyinka Fidrada

3 xadiis

Fidrada fiicani waa Shan: Gudniinka, xiiritaanka Bisqanta,Timaha Kilkilada

عن أبِي هريرة رضي اللَّه عنه: سمعتُ النبِيّ صلى الله عليه وسلم يقول: «الفِطْرَةُ خمسٌ: الخِتَانُ والاستحدادُ وقصُّ الشَّارِبِ وتقليمُ الأظفارِ وَنَتْفُ الآبَاطِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka maqlay isagoo dhahaya: "Fidrada fiicani waa Shan: Gudniinka, xiiritaanka Bisqanta,Timaha Kilkilada".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Shan wax yaabood oo Diinta Islaamka iyo Sunihii Ambiyada ka mid ah: Tan koowaad: Gudniinka, waana jaritaanka la jaro haraga sare ee qariya Madaxa Buuryada Raga, iyo in la jaro Madax Kintirka Gabdhaha halka Buuryadu marayso korkeeda. Tan labaad: waa xiiritaanka Timaha Bisqanta. Tan seddexaad: gaabinta Timaha Shaarubaha, lamana ogola inay qariyaan Bishinta. Tan afraad: waa jaritaanka Cidiyaha. Tan Shanaad: waa Timaha Kilkillada oo la rifo.

Faa’iidooyin
  1. Sunaha Ambiyada ee Ilaahay jecelyahay raaligana ka yahay uuna faray Adoomadiisa waxay dadka u tahay kamaal, wanaag iyo qurux.
  2. waa Sharci in arimahan la joogteeyo oo aan la moogaan.
  3. Tilmaamahan waxay leeyihiin faa'iidooyin xaga Diinta iyo xaga Aduunka ah, waxaa ka mid ah: muuqaal wanaag, nadaafada jirka, iyo in dahaarada loo degdego, in Gaalada la khilaafo iyo in amarka Ilaahay la qaato.
  4. Xadiisyo kale waxaa lagu sheegay tilmaamo kale oo fidrada ka mida, oo aan shantaan ahayn, sida: Garka in la daayo, Rumayga, iyo kuwa kale.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 160) (5891). صحيح مسلم (1/ 222) (257). عمدة الأحكام (ص44) (30). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 45). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص58). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 72).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Gaabiya Shaarubka Garkana daaya

عن ابن عمر رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «أحْفُوا الشَّوَارِبَ وأَعْفُوا اللِّحَى».
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Gaabiya Shaarubka Garkana daaya".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu faray in la gaabiyo Shaarubka, oo aan la dayn balse lagu xeel dheeraado gaabinta. Taa baddalkeed wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in la daayo garka oo la dhaafo isagoo badan.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan xiiritaanka Garku
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 160) (5892). صحيح مسلم (1/ 222) (259). رياض الصالحين (ص338) (1205). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 345). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن (2/ 853). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 228). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (14/ 507). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص676). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة محمد قاسم (5/ 236).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiya

عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «السِّوَاكُ مَطْهَرَةٌ لِلْفَمِ، مَرْضَاةٌ لِلرَّبِّ».
Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiya".
Waxaa wariyay An-nisaa'i iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Wuxuuna ka mid yahay asbaabta u keenaysa Adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga cadayga, iyo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo jeclaysiyey Ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
  2. Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunka way geli karaan booska cadayga.
Tixraac

سنن النسائي (1/ 10) (5). مسند أحمد (40/ 240) (24203). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 342). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 852). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص675).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com