Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu tusaale u soo qaatay kuwa xuduuda Shareecada dhowra ee amarka Ilaahay ku toosan, wanaagana fara xumahana reeba . iyo kuwa ku dhaca Xuduuda Ilaahay, ee kataga wanaaga Xumaantana u bareera, iyo saamaynta taasi ku leedahay badqabka Bulshada, waa sida dad saaran Doon, una Qori tuurtay cida xaga sare fariisan iyo kuwa xaga hoose fariisan, sidaana qaar ku heleen xaga sare, qaarna xaga hoose, kuwa hoosta fadhiya markay Biyo rabaan waxay siimarayaan kuwa sare, oo ay dheheen kuwa hoose: halkan aan joogno aan dalooshano, si aynaan u dhibin kuwa sare, haday ku eegtaan kuwa korka saarani daloolintaa, way la dagin doontu dhamaantood, hadayse ka joojiyaan oo daloolintaa u diidaan way wada bad-baadayaan dhamaantood.
- Ahmiyad ayey u leedahay wanaaga faridiisu iyo Xumaanta reebideedu badqabka Bulshda iyo nabad gelyadeeda.
- Qaababka wax lagu baro dadka waxaa ka mid ah tusaale bixinta, si uu macnuhu ugu soo dhawaado caqliga si la dareemi karo.
- Samaynta Munkarka muuqda ee aan la inkirin, waxaa ka dhasha fasaad Bulshada u keena dhibaato.
- Halaaga Bulshadu wuxuu ka Dhashaa dadka Xumaanta samaynaaya oo loo daayo inay dhulka fasaadiyaan.
- Xumaanta oo la sameeyo iyo Niyada oo la wanaajiyo kuma filna in camalka la hagaajiyo.
- Masuuliyada Bulshada Muslimka ah waa la wadaagaa ee Qof kaliya ma saarna.
- Bulshada waa lagu ciqaabayaa Dambiga uu sameeyey Qof gaar ah hadaan la iska qaban.
- Dadka Xumaanta sameeya waxay u tusaan in Xumaantoodu khayr u tahay Bulshada Muslimka ah, sida Munaafiqiintu sameeyaan oo kale.
صحيح البخاري (3/ 139) (2493). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 277). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص149). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 430). كنوز رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (4/ 39). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 210).