عَنْ أَبِي بَكْرٍ الصِّدِّيقِ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّكُمْ تَقْرَؤُونَ هَذِهِ الآيَةَ: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَيْكُمْ أَنْفُسَكُمْ لاَ يَضُرُّكُمْ مَنْ ضَلَّ إِذَا اهْتَدَيْتُمْ}، وَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِنَّ النَّاسَ إِذَا رَأَوْا الظَّالِمَ فَلَمْ يَأْخُذُوا عَلَى يَدَيْهِ أَوْشَكَ أَنْ يَعُمَّهُمُ اللَّهُ بِعِقَابٍ مِنْهُ».
Abii Bakar Sadiiq-Allaha ka raalli ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Dadow waxaad akhridaan aayadan: {kuwa iimaanka lahoow, naftiinaa ayaad masuul ka tihiin, oo waxba idin yeelimaayo midka xaqa diiday hadaad idinku hanuuntaan}, waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo dhahaya: "Dadku haday arkaan daalimka oo ay gacmaha ka qaban waayaan waxay u dhowdahay in Ilaahay ciqaabkiisu ku wada dhoco."
Waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Abuu bakar -Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu sheegay in dadku akhriyaan aayadan:
{kuwa iimaanka lahow naftiina ayaad masuul ka tihiin, oo waxba idin yeelimaayo midka xaqa diida hadaad idinku hanuuntaan} [al-ma`ida:105].
waxayna ka fahmayaan in qofka ay waajib ku tahay inuu islaaxiyo naftiisa oo qura, intaa ka dibna dhibimayso baadida qofkii baadiyooba, oo dadka laga doonimaayo inay wanaaga faraan oo xumaanta reebaan.
Waxaanse u sheegay inuusan arinku sidaa ahayn, oo inuu ka maqlay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-isagoo dhahay: Dadku haday arkaan daalimka oo ay dulmiga ka celin waayaan, iyagoo awood u leh inay ka celiyaan, waxay u dhawdahay in Ilaahay ciqaabkiisku ku wada dhaco, kan xumaanta samaynaya iyo kan ka aamusanba.
Faa’iidooyin
- Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay isu naseexeeyaan oo wanaaga is faraan oo xumaanta iska reebeen.
- Ciqaabta Ilaahay ee guud ahaaneed waxay wada gaaraysaa kan dulmiga sameeyey, iyo kan ka aamusay oo ka celin waayey haduu awood u leeyahay inuu ka celiyo.
- Waa in dadka caamada ah wax la baro oo si sax ah loo fahamsiiyo quraanka.
- Waxaa dadka ku waajib ah inay aqoon u yeeshaan oo fahmaan kitaaba Ilaahay casa wajala, si aan dadku u fahmin quraanka wax ka duwan macnihii Ilaahay ku soo dajiyey.
- Dadku ma soo hanuunayaan hadii laga tago in wanaaga la faro oo xumaanta la reebo.
- Tafsiirka aayada ee saxda ah waa: waxaa idinku waajib ah inaad naftiina ka ilaaliya macsida, hadaad ka ilaalisaan naftiina xumaanta idin dhibi maayo hadii aad kariwaydaan inaad wanaaga fartaan xumaantana reebtaan dhumida qofkii dhumay oo la yimaada wixii laga reebay hadii aad adinku hanuuntaan oo aad ka fogaataan xumaanta.
Tixraac
سنن الترمذي (4/ 40) (2168).
سنن أبي داود (6/ 393) (4338).
السنن الكبرى للنسائي (10/ 88) (11092).
سنن ابن ماجه (5/ 139) (4005).
مسند أحمد (1/ 197) (16).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 286).
كنوز رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (4/ 126).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 454).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 218).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أبي سعيد الخُدْريِّ رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ».
Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofkii idinka mid ah ee arka Xumaan Gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha Iimaanka ugu liidata.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu farayaa tir tirida Xumaha waana wax kasta oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu reebeen kolba awooda Qofka Muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -Muslimku-Xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, haduu awoodaa leeyahay oo sameyn karo. Haduuna awoodi karin sidaas, carabkiisa ha ku tir tiro Xumaantaa oo ha ka reebo kan Xumaanta faraha kula jira, hana ku waaniyo kheyrka Sharta badalkeeda. Haduu awoodi waayo kaalintaa qalbigiisa ha ku badalo Xumaanta isagoo nacaya Xumaantaa oo go'aansanaya haduu awoodi lahaa inuu ficil ku baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco Xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee Xumaanta lagu tir-tiro.
Faa’iidooyin
- Xadiiskaani wuxuu sal u yahay cadaynta martabadaha Xumaanta lagu badalo ee lagu tir-tiro.
- Arintu waa jaranjaro marka Xumaanta la reebayo, Qofwalbana waa inta awoodiisa iyo karaankiisu dhan yahay.
- Xumaha oo la reebo Diinta wuxuu ka yahay baab aad u weyn Qofna ka ma dhacayo, Qof walboo Muslim ah waxaa lagu waajibin inta awoodiisu tahay.
- Wanaaga oo la is faro iyo Xumaha oo la iska reebo waa Sifooyinka Iimaanka, Iimaankuna wuu kordhaa wuuna naaqusaa.
- Xumaha reebidiisa waxaa u shardi ah: in la og yahay in waxa la reebayo ay xun yihiin.
- Waxaa shardi u ah badalida Munkarka: in aanay ka dhalanayn Munkar kaloo ka weyn.
- Munkarka in la reebo waxay leedahay aadaab ay haboon tahay in Qofka Muslimka ahi barto.
- Munkarka in la reebo wuxuu u baahan yahay siyaasad Sharciya iyo Cilmi iyo aragti dheer.
- Munkarka inaan Qalbiga laga nicin waxay tusaysaa daciifnimada Iimaanka.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 69).
جامع العلوم والحكم (2/245).
المعين على تفهم الأربعين (ص 393).
شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 336).
البحر المحيط الثجاج (2/204).
فتح القوي المتين للعباد (ص 116).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com