U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Majiro Shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «لَيْسَ شَيْءٌ أَكْرَمَ عَلَى اللهِ تَعَالَى مِنَ الدُّعَاءِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Majiro Shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaanu jirin Shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in Adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.

Faa’iidooyin
  1. Fadliga ducada iyo in Qofka Ilaahay barya uu wayneeyey, ee uu qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu Samiic yahay waayo Dhagool lama baryo, Kariimna yahay waayo Bakhiil lama baryo oo uu Raxiim yahay waayo Qabiid lama baryo, Qaadirna yahay waayo Daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo Sifaadka kale ee Ilaahay Waynaantiisa iyo Quruxdiisa ku Saabsan isagaa xumaan ka nasahane.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 385) (3370). سنن ابن ماجه (5/ 6) (3829). مسند أحمد (14/ 360) (8748). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 546). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 416). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 481). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 707).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Faliga Ducada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com