عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَا ضَرَرَ وَلَا ضِرَارَ، مَنْ ضَارَّ ضَرَّهُ اللَّهُ، وَمَنْ شَاقَّ شَقَّ اللَّهُ عَلَيْهِ».
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "dhib majiro is dhibidna majirto, Qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, Qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".
Waxaa wariyay Ad-aaraqudniDarajoXadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in Qofku ka joojiyo Naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba Qofna uma banaana inuu dhibo Naftiisa ama cid kale midna.
Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay Qisaas aan lagu xadgudbayn tahay mooyee.
Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey Qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo Qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.
Faa’iidooyin
Waxaa la reebay in Qofku xadka ka baxo oo wixii loo gaystay wax ka badan uu gaysto.
Ilaahay ma amrin Adoomadiisa wax dhibaaya.
Waa la xarimay dhibka iyo in la isku dhibaateeyo hadal, ficil ama ka tagidba.
Abaal marintu waa nooca camal ku yahay, Qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, Qofkii ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeya.
Arkaanta shareecada waxaa ka mida: " dhib waa la joojiyaa", Shareecadu ma ogola dhib, wayna diidaysaa is dhibaataynta.
Tixraac
سنن الدارقطني (4/ 51) (3079).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص74).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص325).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص112).
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.
Faa’iidooyin
Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.