Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada. Ariinkaa waxaa la mid ah waxa la siiyo gar-soorayaasha si ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.
- Waxaa xaaraan ah, bixinta laaluushka, qaadashadiisa, kan dilaalkiisa, u gar-gaarkiisa, waayo wuxuu soo galayaa isku kaalmaynta baadilka.
- Laaluushku waa dambiyada waa wayn, waayo Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuu lacnaday Qofka qaata iyo kan bixiyaba.
- Laaluushku marka la joogo gar soorka iyo xukunka waa dulmiga iyo dambiga ugu wayn, waxa ku jira dulmi iyo in lagu xukumo wax uusan Ilaahay soo dajin.
سنن الترمذي (3/ 15) (1336). مسند أحمد (15/ 8) (9023). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (7/ 188). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 172). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (9/ 450). سبل السلام شرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 577).