U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إنَّ الرُّقَى والتَمائِمَ والتِّوَلَةَ شِرْكٌ».
Cabullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: " Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki."
Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waxyaabo samayntoodu tahay shirki waxaana ka mida: Tan koobaad: waa hadalkii ay isku dawayn jireen dadkii waqtigii jaahiliga, kaasoo ka koobnaa waxyaabo shirki ah. Tan labaad: qardhaasta oo ah wax taxan oo kale, taasoo loo xiro caruurta, xoolaha iyo qayrkoodba iyado laga ilaalinayo isha. Tan saddexaad: madiidaynta: waa wax loo sameeyo labada qof ee is qabta mid in la jeclaysiiyo kan kale. Arimahaasi waxay ka mid yihiin shirkiga, dad ayaa sabab ka dhigaya, mana aha sabab sharciya oo daliil ku sugnaatay, mana aha sabab xisi ah oo khibrad ku sugnaatay. Asbaabta shirciga ah sida akhrinta Qur'aanka, ama asbaabta xisiga ah sida daawada khibrada lagu ogaaday, way banaan tahay iyado la rumaysan yahay inay tahay asbaab uun, nafaca iyo dhibkuna Ilaahay gacantiisa ku jiraan.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in towxiidka iyo caqiidada laga ilaaliyo wixii dhaawacaya.
  2. Xadiiska waxasa ku sugan in la xarimay in la isticmaalo tufida shirkiga ah, qardhaasta iyo madiidada.
  3. Dad ayaa citiqaadsan in saddexdaasi yihiin asbaab: waana shirki yar, waayo wax aan sabab ahayn ayuu asbaab ka dhigay, haduuse aamino inay naf ahaanteedu leedahay nafac iyo dhib taasi waa shirki weyn.
  4. Waxaa laga digayaa asbaabta shirkiga keenaya iyo kuwa xaaraanta ah.
  5. Tufida shirkiga ahi waa xaaraan waxayna ka mid tahay shirkiga inta sharciga ah maahee.
  6. Waxaa haboon in qalbigu ku xiran yahay Ilaahay kaligii, dhibka iyo dheeftuba isaga kaligi ayey ka yimaadaan, cibaadada cid la wadaagtaa majirto, khayrka cid aan isaga ahayni makeento, sharkana cid aan isaga ahayni ma ciliso.
  7. Tufida banaan waxay ka kooban tahay saddex shardi: 1- in qofku citiqaado inay sabab uun tahay oo Ilaahay idankii uun wax ku tartayso 2- waa inay tahay Qur'aan, magacyada Ilaahay, sifaadkiisa, ducooyinkii Nabiga iyo ducooyinka sharciga ah, 3- inay tahay luqad la fahmaayo oo lahayn erayo aan la fahmayn iyo khuraafaad.
Tixraac

سنن أبي داود (6/ 31) (3883). سنن ابن ماجه (4/ 554) (3530). مسند أحمد (6/ 110) (3615). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص91). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص79). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 180).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Tufida Shirciga ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com