Ibnu Cabbas Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw ma uu aqoon sida loo kala jaro suuradaha ilaa ay ku soo dagtay aayada bisinku {بسم الله الرحمن الرحيم }.
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
ibnu Cabbaas wuxuu cadeeyey in Qur'aanku ku soo dagaayey Rasuulka naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isaguna aanu aqoon sida loo kala jaro iyo dhamaadka suurada, ilaa uu ku soo dagay bisinku oo uu ogaado in suuradii hore dhamaatay, oo ay suurad cusub bilaabatay.
Faa’iidooyin
Bisinka waxaa lagu kala saaraa suuradaha, suurada Alanfaal iyo tawba maahee.
Tixraac
سنن أبي داود (2/ 91) (788)، شرح سنن أبي داود للعباد (102/ 15)، التنوير شرح الجامع الصغير (8/503)، عون المعبود (2/353).