عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ الدُّنْيَا حُلْوَةٌ خَضِرَةٌ، وَإِنَّ اللهَ مُسْتَخْلِفُكُمْ فِيهَا، فَيَنْظُرُ كَيْفَ تَعْمَلُونَ، فَاتَّقُوا الدُّنْيَا وَاتَّقُوا النِّسَاءَ، فَإِنَّ أَوَّلَ فِتْنَةِ بَنِي إِسْرَائِيلَ كَانَتْ فِي النِّسَاءِ».
Abii Saciid al Khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira, fitnadii reer Bani Israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay Dumarkay ahayd".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.
Faa’iidooyin
- Waxaa la isku boorinayaa in la joogteeyo Taqwada, oo aan lagu mashquulin muuqaalada Aduunyada iyo quruxdeeda.
- Waxaa laga digayaa in lagu fitnoobo Dumarka, sida eegistooda iyo in Ragga ajaanibta ka ahi ku dhex jiraan, iyo wixii la mida.
- Fitnada Dumarku waa fitnooyinka ugu waaweyn Aduunyada.
- Waa in la waansamo oo lagu cibroqaato Ummaddihii hore, waayo wixii reer Banii Israa'iil ku dhacay qayrkoodna wuu ku dhici karaa.
- fitnada Dumarku markay xaaska tahay waxay ku kalifi kartaa ninka masruuf aanu awoodin, waxayna ka mashquulin barashada cilmiga, waxayna ku kalifaysaa inuu isku dhabar jabiyo raadinta Aduunyada, haday ajnabi ka tahayna fitnadeedu waa inay damac galiso oo xaqa ka leexiso, markay soo baxaan oo ay Ragga dhex galaan, gaar ahaan hadii aysan asturnayn ee cawradoodu muuqdato, taasina waxay keenaysaa in lagu dhaco Sinada darajooyinkeeda, Muminka waxaa ku haboon inuu Ilaahay magan galo oo jeclaado si uu uga nabad galo finada Dumarka.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2098) (2742).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 146).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 173).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 103).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي لله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إِنْ كَرِهَ مِنْهَا خُلُقًا رَضِيَ مِنْهَا آخَرَ» أَوْ قَالَ: «غَيْرَهُ».
Abii Hureyra -Allah ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: " Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.
Faa’iidooyin
- Waxaa loogu yeerayaa mu'uminka cadaalad iyo in caqligu shaqeeyo khilaaf walba oo soo kala dhex gala isaga iyo xaaskiisa, waana inuusan u leexan in caadifada iyo xanaaqa ku meel gaarka ahi shaqeeyaan.
- Mu'uminka xaalkiisu waa inuusan u xanaaqin Muminad xanaaq kaamil ah oo ku kalifa inuu isaga tago, balse waxaa haboon waxa uu ku dhibsanaayo inuu ku ilaawo waxaa uu ku jecel yahay.
- Waxaa lagu boorinayaa labada is qabta inay sifiican isu dhaqdaan oo si wanaagsan u wada noolaadaan.
- Iimaanku wuxuu keenaa akhlaaqda wanaagsan, ninka mu'uminka ah iyo gabadha mu'uminada ahi kama marnaan karaan akhlaaq wanaagsan, waayo iimaanka ayaa keenaya in labadoodu yeeshaan sifooyin wanaagsan.
Tixraac
صحيح مسلم (2/ 1091) (1469).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 359).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 122).
فتح رب البرية بتلخيص الحموية، لابن عثيمين (ص117).
مجموع فتاوى ابن باز (25/ 246).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 282).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «الدُّنْيَا مَتَاعٌ، وَخَيْرُ مَتَاعِ الدُّنْيَا الْمَرْأَةُ الصَّالِحَةُ».
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Aduunyadu waa raaxo, raaxada Aduuna waxaa u khayr badan Gabar saalixad ah.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada Aduun waxaa ugu fiican xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.
Faa’iidooyin
- Waxaa banaan ku raaxaysiga wax yaabaha wanaagsan ee Ilaahay u xalaaleeyey Adoomadiisa iyadoon la israafayn ama riyo beenaad laga dhigin.
- Waxaa la isku booriyey xulashada xaas wanaagsan, waayo waxay ninkeeda ku caawinaysaa inuu Rabigi caabudo.
- Raaxada Aduunka waxaa ugu khayr badan wixii cibaadada Ilaahay la xiriira ama wixii cibaadada ku kaalmeeya.
Tixraac
صحيح مسلم (2/ 1090) (1467).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 365).
كشف المشكل من حديث الصحيحين، لابن الجوزي (4/ 129).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 286).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيَّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ -وَكَانَ غَزَا مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ثِنْتَيْ عَشْرَةَ غَزْوَةً- قَالَ: سَمِعْتُ أَرْبَعًا مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَعْجَبْنَنِي، قَالَ: «لاَ تُسَافِرِ المَرْأَةُ مَسِيرَةَ يَوْمَيْنِ إِلَّا وَمَعَهَا زَوْجُهَا أَوْ ذُو مَحْرَمٍ، وَلاَ صَوْمَ فِي يَوْمَيْنِ: الفِطْرِ وَالأَضْحَى، وَلاَ صَلاَةَ بَعْدَ الصُّبْحِ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ، وَلاَ بَعْدَ العَصْرِ حَتَّى تَغْرُبَ، وَلاَ تُشَدُّ الرِّحَالُ إِلَّا إِلَى ثَلاَثَةِ مَسَاجِدَ: مَسْجِدِ الحَرَامِ، وَمَسْجِدِ الأَقْصَى، وَمَسْجِدِي هَذَا».
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu la duulay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laba iyo toban duulaan -wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka maqlay afar aan jeclaaday, wuxuu yiri: "Haweenaydu uma safari karto meel loo socdo habeen iyo maalin hadii aanu la socon ninkeedu ama nin Maxramkeeda, mana soomayso labada Maalmood ee Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, Salaada Subaxa ka dibna Salaad lama ogola ilaa Qoraxdu soo baxdo, Salaada Casarna ka dibna lama ogola Salaad ilaa ay Qoraxdu dhacdo, seddex Masaajid waxan ahayna looma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Alaqsaa, Masjidkayga kan ah."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay afar arimood:
Mida 1aad: Haweenayda oo looma ogola inay safarto meel labo Maalin loo socdo iyadoo aanay la socon ninkeeda ama nin Maxaarimteeda ka mida ee ka mida Qaraabadeda aanay waligood is guursan karin, sida Wiilkeeda, Aabeheed, Wiilka walaalkeed dhalay, Wiilka Walaasheed dhashay, Adeerkeed, Abtigeed, iyo inta la midka ah.
mida 2aad: waxaa la reebay soonka Malinta Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, waa isku mid haduu Muslimku u soomo nidar ama Suno ama kafaara gud.
mida 3aad: la ma tukan karo Salaado Suno ah Salaada Casar ka dib ilaa ay Qoraxdu dhacdo, marka Fajarku soo boxo ka dibna la ma tukan karo ilaa ay soo baxdo Qoraxdu.
Mida 4aad: looma safri karo meel dhulka ka mida oo la aaminsan yahay inay fadli gaara dheer tahay meelaha kale oo ajarkeeda la laalaabayo, oo aan ahayn sedexda masaajid, oo meel aan iyaga ahayn Salaad looguma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Nabiga, Masjidka Alaqsaa.
Faa’iidooyin
- Haweenayda uma banaana inay safarto Maxram la'aan.
- Safarka Haweenaydu Maxram uma noqon karto Haweenay kale, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "ninkeeda ama mid Maxram u ah."
- Socod kasta oo safar loo yaqaan Haweenayda waa ka xaaraan hadaanu la socon ninkeedu ama Maxram kale oo Rag ah, xadiiskanina wuxuu ahaanayaa kolba duruufta Qofka su'aasha leh iyo dalka uu ku nool yahay.
- Maxramka Gabadhu waa ninkeeda iyo nin walba oo Qaraabada aanay waligood is guursan karin ah, sida Aabbaha, Wiilkeeda, Adeerka, Abtiga, ama dhinaca Nuugmada, sida Aabbaha Nuugmada, Adeerka Nuugmada, ama Xididnimo, sida ninkeeda Aabihi, marwalbana Maxramku waa inuu ahaado Mslim, qaan gaar ah , caqligiisu dhan yahay, Aamin lagu kalsoon yahay, ujeedada Maxramku waa inuu ilaalin karo Gabadha oo masuuli ka noqon karo.
- Shareecada Islaamku way maamustay Haweenka, oo ilaalisay oo xushmaysay.
- Salaada Sunaha ah ee aan sabab lahay ma ansaxayso Salaada Fajarka iyo Casarka ka dib, waxaa laga soo reebay oo la tukanayaa Salaadaha qadaha ah ee faralka ah ee Qofka dhaafay, iyo Sunaha sababta leh, sida taxiyatul Masjidka iyo wixii la mida.
- Waa la xarimay Salaada marka Qoraxdu toos u soo baxayso ka dib, balse waa inay kor u soo kacdo ilaa wax le`eg Waran oo kale, oo u dhaw toban daqiiqo ilaa rubuc saac.
- Waqtida Salaada Casarku waa ilaa Qorax dhaca.
- Xaddiiska waxaa ku sugan inay banaan tahay in seddexdaa Masaajid loo safri karo.
- Xaddiiska waxaa ku sugan fadliga ay leeyihiin seddexdaa Masaajid, oo ay inta kale dheer yihiin.
- Ma banaana in loo safro siyaaro Qubuur, haba ahaado Qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Qofkiise Madiina jooga ama u yimaada ujeedo mashruuc kale way u banaan tahay booqashada Qabriga Nabiga.
Tixraac
صحيح البخاري (3/ 43) (1995).
صحيح مسلم (2/ 975) (827).
فتح الباري شرح صحيح البخاري، لابن حجر العسقلاني (4/ 75).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (3/ 544).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (3/ 311).
سبل السلام، لمحمد الصنعاني (1/ 598).
مجموع فتاوى ومقالات، لابن باز(6/ 321).
الشرح الممتع على زاد المستقنع، لابن عثيمين (6/ 516).
شرح سنن أبي داود، عبد المحسن العباد (65/ 8 بترقيم الشاملة آليا).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com