U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa

عن أبي مسعود رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِذَا أَنْفَقَ الرَّجُلُ عَلَى أَهْلِهِ يَحْتَسِبُهَا فَهُوَ لَهُ صَدَقَةٌ».
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu ninku masruufo Reerkiisa isagoo Ilaahay ajar kaga dalbaaya, Sadaqo ayey u noqonaysaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in markuu ninku siiyo Reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida Xaaskiisa, labadiisa waalid, Caruurtiisa iyo qayrkoodba, isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka Sadaqada oo kale.

Faa’iidooyin
  1. Ajar iyo xasanaat ayaa laga helayaa hadii la biilo Reerka.
  2. Mu'uminku camalkiisa wuxuu ula jeeda Ilaahay wajigiisa iyo inuu Ilaahay kaga helo ajar iyo xasanaat.
  3. Waxaa haboon in Qofku Niyad Saalixa ula yimaado camalkiisa Saalixa ah, waxaana ka mid ah biilka Reerka.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 20) (55). صحيح مسلم (2/ 695) (1002). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 334). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 157). نزهة المتقين بشرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 293). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، سليم الهلالي (1/ 375).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Nafaqada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com