U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

nahiyey nadarka,waxuuna dhahay:((khayr makeeno, lkn bakhaylkaa wax lagaga soo saaraa))

عَنِ ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما: عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ نَهَى عَنِ النَّذْرِ، وَقَالَ: «إِنَّهُ لَا يَأْتِي بِخَيْرٍ، وَإِنَّمَا يُسْتَخْرَجُ بِهِ مِنَ الْبَخِيلِ».
Cabdullaahi bn cumar -Alla karraalli ahaadee- Waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu nahiyey nadarka,waxuuna dhahay:((khayr makeeno, lkn bakhaylkaa wax lagaga soo saaraa)).
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

waxuu nahiyey rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye-nadarka, waana inuu qofku isku waajib yeelo wax aanu Alle ku waajibin, waxuuna dhahay: nadarku wax masoo dedejin karo waxna madib dhigi karo, lkn midka bakhaylka ah ee waxa kuwaajiba uun sameeya ayaa lagu soo saaraa, oo nadarku ma keeni karo shay aan xagga Alle uga qornayn qofka.

Faa’iidooyin
  1. nadarka lama sharciyeyn(lama waajibin),lkn markuu qofku nadro waa kuwaajib inuu fuliyo haddaanu macsiyo ahayn.
  2. Sababta loo nahiyey nadarka waa(inuu kharba keenayn), waayo qaddarka Alle waxba kama celin karo, iyo inaanu uqaadan midka nadrayaa helitaanka waxa uu rabay inuu nadarku usobob ahaa, ilaahayna waa kaqanisan yahay waxaa.
  3. Imaam qurdubi ayaa dhahay: nahyigaa soo arooray halka laga diiday waa inuu dhoho tusaale ahaan: hadduu bogsado qofkayga buka sadaqaa waajib igu ah, waxa loo karaahaystayna waa markuu qurbaankaa ama sadaqadaa kuxidhay ama ku joojiyey helitaanka xaajadiisa uu magacaabay, oo markaa malaha qofkaasi niyad sadaqo bixin oo Alle dartii ah, waana waxa afkiisa kasoo yeedhay,balse waxuu go.aan saday wax kala baddalasho,waxaana caddaynaya hadduu bogsan waayo qofku mabixinaayo sadaqo,oo cafimaadkiisa ayuu kuxidhay sadaqada, taasina waa xaalka bakhiilka, oo maalkiisa waxba aan kabixin inuu baddal deg-deg ah qaato maahee, kaasoo kabadan waxa uu bixiyey.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 124) (6608). صحيح مسلم (3/ 1261) (1639). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص353). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص693).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Dhaarta iyo Nidarka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com