U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Shuruuda Hijrada

1 xadiis

Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta

عن أبي أيوب الأنصاري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَا يَحِلُّ لِرَجُلٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلَاثِ لَيَالٍ، يَلْتَقِيَانِ، فَيُعْرِضُ هَذَا وَيُعْرِضُ هَذَا، وَخَيْرُهُمَا الَّذِي يَبْدَأُ بِالسَّلَامِ».
Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.

Faa’iidooyin
  1. Waxa loo baneeyey seddex Maalmood iyo wixii ka yar, iyado la tix galinayo dabeecadaha dadka, waxaana laga cafiyey gooynta seddex Beri ah si uu u dhamaado khilaafku.
  2. Fadliga salaantu leedahay, iyo inay tirtirayso wixii nafta ku jira, waxayna astaan u tahay is jeclaanta.
  3. Islaamku wuxuu ku dadaalay walaaltinimada iyo isku duubnaanta Muslimiinta u dhaxaysa.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 21) (6077). صحيح مسلم (4/ 1984) (2560). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 111). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 293). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 339).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com